Cudurkan COVID-19 waxa uu yahay mid gabi ahaanba dunida daafaheeda kala duwan ku faafay waxaana uu qarqiyay nidaamyadii caafimaad ee dalalka aad ka u hormaray. Dhakhsaha uu ku faafaayo cudurku iyo dadka iyagu aan calaamadaha lahayn ee cudurka qaba ayaa sababay in cudurku si dhakso ah ufaafo saameeyana boqolaal milyan. Heerka dhimashada cudurka waxa lagu qiyaasay kaliya 2%. Hase ahaatee, dadka aadka ubadan uu saamayn doono virusku, heerka dhimashada waxa la filayaa inuu gaadho Malaayiin.
Ka hortaggu waa uu ka fiican yahay daaweynta ayaad maqashaa in badan laakin cudurkan Covid-19 ka, hortaggu waa xalka kaliya. Si aad u fahanto sida ay mihiimka u tahay in la hirgaliyo tallaabooyinka lagaga hortagayo cudurkan, waxa aynu falanqayn doonaa sida uu cudurkani u saamayn doono dalkeena hadii cudurka uu dalkeena ku faafo. Sida aynu wada ognahay cudurkan waa mid si dhakhso ah ufaafa sidaa awgeed kumanaan ayaa uu saamayn doonaa. Nasiib fiicnidii, 81% dadka uu saameeyay waa kuwo kaliya yeelanaya cudur khafiif ah kana bugsanaya cudurka. 14% waxay u baahan doonaan oxygen halka 5% hadhay ay ubaahan doonaan qaybta daryeelka xoogan (ICU treatment). Bukaanada aadka ugu xanuusta cudurka waxay ubaahan doonaan neefsiga sinaaciga ah (mechanical ventilators). Nidaamka caafimaad ee dalku waa mid aan baahiyaha caafimaad ee dadka dabooli Karin, cudurka Covid-19 na waa mid si dhakhso ah uga adkaan kara. Si aynu ucaddayno sida uu nidaamkeenu daciifka u yahay, qodobadan ayaa aynu hoos u eegi doonaa:-
1- Adeegyada caafimaad: Waxa jira cusbitaalo dawli ah iyo kuwo gaar loo leeyahay kuwaas oo bixiya adeegyada caafimaadka. Gobol kasta waxa ah cisbitaal duwali ah oo kaliya oo bixiya adeegyada caafimaadka dawooyinka iyo qalabka caafimaadka diyaarka ku ahina waa kuwo ugu xun marka la barbardhigo kuwo gaarka loo leeyahay. Cusbitaalada khaaska loo leeyahay badankoodu waxa ay ku yaalaan caasimada dalka. Mulkiilayaasha dhakhtarada gaarka loo leeyahay waa kuwo iyagu aan ogolaanayn in lagu daaweeyo bukaanada cudurka qaba. Hadii ay dawladu qasabtona, shaqaale caafimaad oo iman doonaa si ay udaaweeyaan bukaanada ma jiri doonaan.
2- Qalabka iyo daawooyinka caafimaad: Sida aynu hore uxusnay, 14% bukaanadu waxay u baahan doonaan oxygen (Neef), halka 5% ay ubaahan doonaan neefsiga sinaaciga ah iyo ICU ga. Waxaad umalaynaysaa in daawada oxygen tu ay ugu yaraan tahay mid inagu filan laakiin bal malee daawada oxygen tu waa mid aad u yar, cusbitalaada ay diyaarka ku tahayna, bukaanadu waa ay iibsadaan. Neefsiga sinaaciga ahi, markaynu eegnona waa kuwo tiradoodu aad u yar tahay waxanu lagu qiyaasaa inay yihiin kaliya 100 xabbo dalka dhan. Qalabkan iyo dawooyinkan caafimaad ee aadka u yar ma aha kuwo iyagu kaliya gaar ah in lagu daaweeyo dadka qaba cudurka Covid-19. Badankoodu waa kuwo loo isticmaalaayo in lagu daaweeyo bukaano cuduro kale qaba sidaa awgeed tirada diyaarka ah wakhtigay doontaba ha ahaatee waa tiro kooban.
3-Shaqaalaha Caafimaad: Shaqaalaha caafimaad ee sida wacan utababaran dalka waa kuwo aad u yar. Inkastoo in badan oo ka mid ahi ay jeclaan lahaayeen inay dagaalka jiida hore ka galaan, duruufaha ku hareeraysan ayaan ahayn kuwo u ogolaanaaya inay sidaasi sameeyaan. Askarigu ma galo dagaal isaga oo bilaa qori ah, ama bilaa koofiyad iyo jaakadda xabbadda celiya. In laga fisho askari in uu ku galo dagaal isaga oo aan intaaba wadan waa caqli darro. Kani waa dagaal. Dhakhtarada iyo kalkaalisooyinku ma gali karaan dagaalkan iyagoon haysan qalabka loo baahan yahay ee cudurka ka ilaalinaya badankooduna waa ay diidi doonaan inay dagaalka ka qayb galaan. Hadii ay tani kaa dhigayso inaad umalayso in shaqaalaha caafimaadku ay yihiin kuwo ka talinaya danaha nafohooda doorbidayaana inay lafohooda la cararaan halkii ay nafaha dadka ka badbaadin lahaayeen, waa aad qaldan tahay. Hadii ay dhakhtaradu iyagoon qalabki laysku ilaalinayay xidhnayn ka qayb galaan dagaalka qaadaana cudurka, waxa ay cudurka ku faafin doonaan bukaanada kale iyo dadka kale ee caafimaadka qaba iyaga oo markaasi ku biiraya cadawga, oon la dagaallamayn cudurka. Shaqaalaha caafimaadku, wakhti ka bacdi, nafohooda waa ay wada waayi doonaan cudurkana waxa uu wadi doonaa inuu gumaado nafaha dadka. Hadii laguu sheego inaad gasho dagaal aad ogtahay in lagu jabin doono miyaad ka qayb qaadan lahayd dagaalkaa mise waxa aad raadsan lahayd meel ammaan ah ood u baxsato? Cudurkani, waxaynu doonaba aynu samaynee, waa mid wadan doona hawshiisa marka su’aasha ay tahay in uu qof isweydiiyaa waxay tahay maxaad utegi jiida hore ood u halaagi naftaada?.
Virus-ka corona ma aha mid leh daawo. Adeegga caafimaad oo aad uxun, qalabkii caafimaadka oo aad uyar, iyo shaqaalihii caafimaad oo aan u badheedhi Karin khatarta baahsan ee cudurka awgeed, cudurka Covid-19 waxa uu u yahay xukun dil ah 19% ubaahan doonaa in dhakhtarka la dhigo. Dagaalkani waa mid lama huraan ah mana jirto taaktiko ama geesinimo la yaqaan oo ina samatabixin karta si aynu ubadbaadnana, xalka kaliya ee aynu haysanaana waa KA GAASHAAMASHO ama KA HORTAG. Cidina ma oga inuu virus-ku inna soo gaadhay. Aynu rajayno inaanu inna soo gaadhin aynu qaadnona tallaabooyinka lagaga hortagaayo cudurka ilbidhiqsigan aynu taaganahay.
* Tirada qalabka neefsiga sinaaciga ah (mechanical ventilators) waa qiyaas kaliya uun taaso ay sameeyeen shaqaale caafimaad oo haddda amah ore uga shaqayn jiray cusbitaalada kala duwan ee dalka.
* COVID 19 waa cudur aan si buuxda loo fahmin illaa iyo hadda. Maqaalkan waxa la qoray 20.3.2020 iyadoo maqaalku ku salaysan yahay macluumaadkii laga aqoonsaday cudurka illaa iyo maanta. Waxa macquul ah in macluumaadka kor ku xusan ay wax iska badalaan muddada soo socota.